Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre Oo Cod Aqlabiyad Ah Lagu Ansixiyey

Mudaneyaasha Baarlamanaka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa kalfadhiga so xaadiray 231 Xildhibaan iyadoo xildhibaanadii soo xaadiray ee 231 ay si kala harid la’aan ah u siiyeen codkooda.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa xildhibaanada uga mahad celiyay ansixinta iyo codka kalsoonida ay siiyeen,  isagoo xusay in maanta ay tahay maalin taariikh ah.

Waxaa lagu wadaa in goordhow guddoomiyaha Maxkamadda sare uu dhaariyo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here