Ra’iisulwasaare Xasan Kheyre Oo Maanta Baarlamaanka Federalka Weydiisanaayo Codka Kalsoonida

Ra’isulwasaaraha magacaaban ee dowladda Federalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu baarlamaanka hortago si uu kalsooni weeydiisto.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ayaa kalfadhigoodii 1aad yeelan doona maanta iyadoo codka kalsooni siinta loo qaadayo Ra’iisulwasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyr.

Xilka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya waxaa isku diyaarinaayey ka hor inta aanu madaxweyne Farmaajo xilkan u magacaabin xasan Kheyre beesha Hiraab gaar ahaan Abgaal iyo Habargidir, waxaa laga cabsi qabaa inay arintan caqabad noqoto.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here