Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka K/Galbeed Oo Raashin Gargaar Ah Ka Qaybiyey Deegaanweynaha Ceeljaalle Ee Sh/hoose

Gudiga Gurmadka Abaaraha maamulka K/Galbeed ayaa waxay uu raashin gargaar ah ka qaybiyey deegaanka Ceeljaalle ee duleedka degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Gudoomiyaha Gudiga Madoobe Nuunow oo ay wehelinayeen wasiirka Arimaha Gargaarka iyo daryeelka Naafada K/Galeed Cabdillaahi Muuse, gudomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Najax iyo gudoomiye kuxigeenka gobolka Sh/hoose Xasan Shiino.

Raashinka la qaybiyey waxaa ka faa’ideystay in ka badan 300 qoys oo qaarkood ay yihiin dadkii ka soo barakacay deegaanada Shalambood, Ceelcadow, Ceel Axmed, Meled, Muungiye iyo Leexmooro oo dhammaantooda hoosyimaado degmada Marka.

Qaar ka mid ah gudiga ayaa goordhow gudaha u galay xaafadda Ayuub ee degmada Marka halkaasoo ay ku sugan yihiin barakacayaal farabadan kuwaasoo diyaar u ah inay helaan raashin gargaar ah.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here