Ra’iisulwasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Oo Dardaaran Muhiim U Ah Shacabka Soomaaliyed U Dhaafay Ra’iisuwasaaraha Cusub

 

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo maanta xilka ku wareejiyey ra’iisulwsaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan

Kheyre ayaa dardaaran muhiim u ah dadka Soomaalida u jeediyey ra’iisulwasaaraha cusub.

Mudane Cumar Cabdirishiid ayaa u sheegey Ra’isulwasaaraha cusub in uu ka shaqeeyo hirgalinta Arimaha Federaalka haddii la rabo in sanadka 2020-ka dalka la gaarsiiyo qof iyo codkiisa.

Aqoonyahanno badan oo Soomaaliyeed ayaa walwal ka qaba in xukuumada cusub ay qarka kaga istaagi doonto maamul goboleedyada si la mid ah xukuumadihii hore oo aanan daacad ka ahayn arrimaha maamul goboleedyada qaarkood.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here