Dowladda Jarmalka Ayaa Magaalada Kismaayo Ka Dhistay Xarun Si Heersare Ah Loo Qalabeeyey Oo Lagu Dhaqan-celinaayo Maleeshiyada Alshabaab(Sawiro)

Maamulka Jubbaland ayaa magaaada Kismaayo ka furay xarun si heer sare ah loo dhisey oo loogu talogalay in lagu dhaqan celiyo maleeshiyaadka kasoo goostey kooxda Alshabaab.

Waxaa Xaruntan maalgaliyey dawladda Jarmalka iyadoo xafladda lagu daahfuray uu goobjoog ka ahaa safiirka Jamalka u fadhiyo dalka Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa goobjoog kaa ahaa munaasabada xarigga looga jarayey xaruntan lagu dhaqan celin doono maleeshiyada Alshabaab.

Dhismaha xaruntan waxa uu ku taalaa xeradii hore ee ciidamada Mariineska Soomaaliya, waxaana loo dhisey qaab casri ah, waxayna leedahay adeegyo dhameystiran sida sariiro jiif ah , cunto iyo waliba qalab lagu jimicsado.

dhaqan-celin shabaab1 dhaqan-celin shabaab2 dhaqan-celin shabaab3 dhaqan-celin shabaab4

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here