Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Jahowareersan Qancinta Siyaasiyiin Uu Xilal U Balan-qaaday Inta Aan Madxweyne Loo Dooranin (Warbixin)

Tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo wuxuu ku mashquulsan

yahay fulinta balan-qaadyo badan oo uu rag ay saaxiibo yihiin u sameeyey ka hor inta aanu madaxweyne noqon.

Khafiifinta Culeysyada siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo saaran waxaa xal u helisteeda iska kaashanayo Ra’iisulwasaraha cusub iyo madaxweynaha ruuxiisa, si ay u kala yareeyaan ragga xilalka loo balan qaaday waxay saacadihii la so dhaafay bilaabeen inay qaybiyaan xilal heerkooda hooseeyo oo aanan saameyn ku lahayn nidaamka awood-qaybsiga beelaha.

Waxaa jiro rag saluugay xilalka loo magacaabay oo iyagoo xanaaqsan dalka ka baxay iyo qaar lagu wargeliyey xilka loo magacaabayo oo ku goodiyey inay is casilayaan haddii xil noocaas ah loo dhiibo. Arintan waxay culeys weyn ku haysaa madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaarahiisa Xasan Khreyre oo habeenadii la soo dhaafay aanan seexanin.

Haddaba 24-kii saac ee la soo dhaafay, Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa agaasimaha guud ee xafiiskiisa u magacaabay Maxamed Keynaan oo ahaa afhayeenkii guddiga doorashada dadban ee heer federaal.

Sidoo kale, waxaa xafiiska madaxweynaha ee Villa Soomaaliya iska casiley agaasimihii hab-maamuuska madaxtooyada Siyaad Maxamuud Shire, waxaana la soo sheegayaa in uu saluugey balan-qaadyo horey u jirey oo ka duwan xilka loo magacaabay.

Ra’iisulwasaare Xasan Kheyre ayaa dhankiisa wado la tashiyo kala duwan oo uu kusoo dhisi doono xukuumaddiisa cusub si beelaha Soomaalida oo dhan ay iskaga arkaan golaha fulinta dowladda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here