Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Culusow Ayaa Goordhow Loo Dhaariyey Inuu Noqdo Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Federalka

Madaxweynihii hore ee dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud(Xasan Culusw) ayaa maanta loo dhaariyay

inuu ka mid noqdo xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida uu qabo dastuurka dowladda Federalka qodobka 64aad, madaxweyne kasto oo xilka ka dego wuxuu ka mid noqonayaa xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, sidaas darteed Xasan Culusow¬†ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee ka faa’ideysta qodobkan Dastuurga ah.

Mr. Xasan Culusw ayaa ka mid noqon doono Xildhibaanada Golaha Shacabka inta ka dhiman cumrigiisa, waxaana uu noqonayaa Xildhibaankii 276aad ee xildhibaanada Aqalka Hoose.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here