Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Casuumaad Ka Helay Madaxda Dowladda Federalka Ayaa Maanta Muqdishu Yimid …

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si heersare ah loogu soo dhaweeyey Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo saldhiggiisa yahay gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn uga soo horjeedey siyaasadda madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa maanta markii 1aad yimid magaalada Muqdisho.

Ugaas Xasan waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xildhibaano, mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo shacab fara badan.

Imaashaha Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa la xiriirto la kulanka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si uu qeyb qaato wada tashiyada lala yeelanayo odayaasha dhaqanka gaar ahaan xubnaha beesha Xawaadle laga siinayo xukuumadda Cusub.

Ugaas Xasan iyo madaxweynihii hore Xasan Culusow ayaa isku qabtay arimo la xiriiro maamul goboleedkii loo sameyey gobolada Hiiran iyo Sh/dhexe iyo dowrka beesha Ugaaska ay ku yeelaneyso maamul goboleedka HirShabeelle.

Arintan uu sameynayo Ugaas Xasan waxay tahay astaan muujineyso kartida duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee sida dhabta ah u matalo shacabka hormuudka ka dhigtay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here