Dhageyso Afhayeenka Ciidamada Ammaanka Degmada Marka Oo Sheegay In Wasiir Cabdi Muuse, Xasan Shiine iyo Maxamed Cismaan Yariisow Loo Xiray Raashinkii Gargaarka Ee La Leexsaday

Afhayeenka ciidamada Ammaanka degmada Marka Maxamed Deeq Ciise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggii musuqmaasuqay raashinkii gargaarka ee degmada Marka oo 3 qof ah xabsiga la dhigay.

Maxamed Deeq ayaa sheegay in xerada AMISOM ee Ceeljaalle lagu xiray mas’uuliyiinta kala ah: Wasiirka Gargaarka K/Galbeed Cabdi Muuse, Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Siyaasadda gobolka Sh/hoose Xasan Shiino iyo gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed ¬†Cismaan Cali Yariisow.

Afhayeenka ciidamada Ammaanka degmada Marka ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in gudoomiye Yariisow la xiray kadib markii uu qaatay qayb ka mid ah gargaarkii la musuqmaasuqay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here