Dhageyso Wasiir Cabdi Muuse Oo Ka Hadlay Gargaarkii La Musuqmaasuqay Sheegeyna Inay Xireen Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Marka Maxamed Yariisow

Wasiirka Arimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Muuse Abuukar oo ka mid

ahaa xubnihii lagu soo eedeeyey inay musuqmaasuqeen qoondadii gargaarka ee degmada Marka ayaa si adag uga jawaabay eedeynta loo jeediyey.

Wasiir Cabdi Muuse oo uu muuqday mid ka xanaaqsan hadal uu warbaahinta siiyey Macalin Barre ayaa sheegay in deeqdii gargaarka ahayd ee loogu dhiibay shacabka magaalada Marka ay si sharaf leh u qaybiyeen.

Sidoo kale, Wasiir Cabdi Muuse ayaa ka dhawaajiyey inay xireen gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo uusan sheegin sababta ay u xireen.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Muuse

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here