Dowladda Imaaraatka Carabta Oo U Yeertay Danjirihii U Fadhiyey Soomaaliya

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa u yeertay danjiraheeda u fadhiyay dalka Soomaaliya Mohamed Osman Al-hamadi.

Warar soo baxaayo waxay sheegayaan in Imaaraatka ka caroodeen dalabka dowladda Soomaaliya ee la xiriira joojinta saldhigga Mialteri ee Imaaraatka Carabta ka dhisaneyso magaalada Berbera ee Somaliland.

Danjire Mohamed Al Hamaadi ayaa magaalada Abu Dhabi gaaray maalintii Sabtidii ee shalay isagoo fulinaayey Amar ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaji uu dowladda Sacuudiga ka dalbaday inay ka dhaadhiciso Imaaraadka Carabta inay joojiso dhismaha saldhiga Ciidan ee ay ka sameysaneyso Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo hor-jeesatay saldhiga Imaaraatka Carabta ka dhisaneyso garoonka diyaaradaha Berbera, taasoo ay u aragto arrin qatar ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa saldhigyo ciidan ka sameystay dekedda Casab ee dalka Eritrea, waxayna hadda doonayaan inay saldhig kale ka sameystaan magaalooyinka Berbera iyo Bosaso.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here