Gaari Ciidan Oo Mas’uul Dowladeed Galbinaayey Ayaa Maanta Qof Shacab Ah Ku Dilay Isgoyska Zoobe Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Gaari ciidan oo la sheegay inuu galbinaayey mas’uul ka tirsan dowladda Federalka ayaa maanta duhurkii agagaarka KM5(Zoobe)

ku dilay qof shacab ah oo kaxeysanaayey gaari nooca raaxada ah.

Gaariga ciidan ee ninka mas’uulka ah galbinaayey oo ku socday seed qaldan ayaa waxay ciidamadii saarnaa ay rasaas oodda uga qaadeen ninka shacabka ah oo gaarigiisa meel uu u dhaqaajiyo waayey.

Dableydii marxuumka dilay iyo Mas’uulkii ay galbinayeen ayaa goobta si caadi ah uga dhaqaaqay iyadoo aysan jirin cid ku baxday soo qabashada dambiileyaasha.

Marxuumka la dilay oo  ahwiil dhalinyaro ah ayaa wata gaari nooca raaxada oo taarikadiisa ay tahay AE1338.

Hoos ka daawo Sawiro Facebook uu Facebook ku faafiyey Abshir Cabdullaahi oo goobjoog u ahaa dhacdadan.

dil1 dil2 dil3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here