Golaha Guurtida Somaliland Oo Mudo Kordhin U Sameeyey Xukuumadda Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland oo  kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa isku raacay in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga

ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Gudi loo xilsaaray  arimaha la xiriiro doorashooyinka oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku jaangooyey in doorashada la qabto muddo Sideed Bilood (8) ah kadib.

Xisbiyada Qaran ee Somaliland ayaa horey ugu heshiiyey in xukuumada Somaliland loo kordhiyo muddo dhan lix bilood.

Muddo kordhintan ay  sameeyeen golaha Guurtida Somaliland ayaa imanaysa xili madaxwayne Siilaanyo dalka dibada kaga maqanyahay, waana muddo kordhintii labaad ee loo sameeyo Xukuumada Siilaanyo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here