Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Diyaarinaayo Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiskii Dhexmaray Dowladda Imaaraatka Iyo Somaliland

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ka doodaya mooshin ka dhan ah saldhigga Ciidamada Milateriga ee dawladda Imaaraatka

ay ka smeysneyso garoonka iyo dekedda magaalada Berbera.

Mooshinkan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dawladdii hore ay wax ka ogeyd heshiiska Saldhigga Berbera, ilaa hadda ma la oga in Imaaraatka wax ogolaansho ah ka heley xukuumaddii hore ee uu madaxweyne ka ahaa Xasan Culusow.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dowladda Sacuudiga ka codsaday inay ku qanciso Imaaraatka Carabta inay ka laabtaan saldhiga ciidan ee ay ka dhisanayaan magaalada Berbera.

Xiriirka u dhexeeyo dowladda Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya ayaa sii cakirmay kadib markii safiirkii iyo dublamaasiyiinta dalka Imaaraatka ay ka baxeen Muqdisho.

Golaha Wakiilada Somaliland oo la horgeeyey nuqul ka mid ah qodobada heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Imaaraatka Carabta iyo Somaliland ayaa la ansaxiyey iyadoo muran xoog leh uu ka dhashay.

Xisbiyada Qaranka Waxaa sidoo kale heshiiska diidan xisbiga mucaaradka ugu weyn Somaliland ee WADDANI.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here