Isbaheysiga Siyaasadeed Ee RAJO Ayaa Beeninyey in Drs. Yussur Abraar Ay Xil Ka Doonatay Muqdisho (Warsaxaafadeed)

Isbaheysiga RAJO ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku beeniyey warar sheegaya in Drs.Yussur Abrar oo horey isaga casishay Guddoomiyaha

Bangiga Dhexe ay xiligan ku sugan tahay magaalada Muqdisho si ay ugu biirto xukuumada cusub.

Qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa baahiyey in Drs. Yussur Abrar ay Muqdisho gaartay si ay uga mid noqoto xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraalka kasoo baxay Isbaheysiga Rajo oo ay xubin ka tahay Drs.Yusur Abrar ayaa lagu sheegay in wararkan ay yihiin kuwo aan waxna ka jirin, walow aan warsaxaafadeedka RAJO lagu xusin warbaahinta shaacisay wararkan.

 

Qoraalka uu soo saaray Isbaheysiga RAJO ayaa u qornaa sida hoose:

Rajo

War saxaafadeed: 122/Rajo/17-B

Taariikh: Talaado (07/03/2015)

Ujeedo: Beenayn wararka sheegay in Yusur Abrar eey Muqdisho u joogto xil dawladeed.

War saxafiga ayaa cadaynaya in aysan Yusur Abraar oo ah qof eey Soomalida oo idil ku faanto oo ku caan baxday wadaniyad, hufnaan iyo daacadnimo in aysan xilgaan joogin magaalada Muqdisho si eey u qaadato xil dawladeed.

Arintaas oo eey warbaahin badan faafiyeen waa been runta ka fog.

Yusur mar waliba wexeey diyaar u tahay in khibradeeda, aqoonteeda iyo kartideeda la wadaagto dalkeeda iyo dadkeeda kana qayb qaadato horomarinta dalkeena.

RAJO

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here