Kulan Dhexmaray Xoghayaha QM Iyo Madaxweyne Farmaajo Ayaa Lagu Shaaciyey Lacagta Soomaaliya U Baahan Tahay Si Aan Macluul Baahsan Uga Dhicin Dalka(Sawiro)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan

la qaatay madaxda dowladda Federalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Kulanka ayaa ka dhacay xarunta QM ay ku leedahay xerada Ciidamada ee Xalane halkaasoo saldhig u ah inta badan hay’adaha reer Galbeedka.

Antonio Guterres ayaa ka hadlay xaalada abaareed ee xiligan ka taagan guud ahaan dalka Somalia isagoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay lacag dhan 825 milyan oo doolar si wax looga qabto abaaraha ba’an ee kajira gobolada dalka Soomaaliya si loogaa baaqsado in dalka ay ka dhacdo macaluul baahsan.

Dhanka kale, mdaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo garab taagnaa xoghayaha QM ayaa caalamka ugu baaqay in dowladiisa lagu saaccido sidii ay uga hortagi lahayd macaluul ka dhacda dalka.

Guterras iyo Farmaajo Guterras iyo Farmaajo1 Guterras iyo Farmaajo2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here