Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Oo Sheegay Inuu Dib U Howlgelinaayo Garoonka Diyaaradaha Degmada Lambar50

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo dhowaan ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Turkiga ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta ku sheegay in maamulkiisa uu dib u howl gelin doono garoonka diyaaradaha degmada Lambar50 ee gobolka Sh/hoose.

“Waxaan ku talo jirnaa inaan dhowaan dib u furno garoonka diyaaradaha Lambar50, waxaan hada dayactir ku wadnaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe” ayuu yiri Shariif Xasan oo ka hadlaayey mid ka mid warbaahinta la is arko.

Ganacsato iyo waxgarad ka soo jeedo dadka deegaanka oo sanadkii 2016-ka bilowgiisa howlgeliyey Garoonka diyaaradaha degmada Lambar50 ayaa waxaa shaqada garoonka awood ciidan ku joojiyey madaxweynihii hore dowladda Federalka Xasan Culusow oo colaad gaar ah u qabay dadka deegaanka isla markaasina si adag uga soo horjeeday in dadka deegaanka helaan ilo dhaqaale si ay noloshooda u maareeyaan.

Shariif Xasan oo markiisii hore Maamulka K/Galbeed ka dhigtay Jaranjaro lagu gaaraayo labada Xil ee dalka Soomaaliya ugu sareyso (Madaxweyne ama Ra’iisulwasaare) ayaa xiligan u muuqdo inuu ka soo rajo beelay meelihii uu rajada ka lahaa, wuxuu Shariifka hadda doonayaa inuu dib u hanto kalsoonida shacabka 3-da gobol ee uu ka arimiyo maamulkiisa.

Ma la garanaayo in waxyaabaha uu sheegayo Shariif Xasan ay xiligan daacad ka tahay iyo inuu weli dhaqaale raadis yahay si uu ugu boodo Jaranjaro siyaasadeed kale.

 

SHARE

2 COMMENTS

  1. My sharif sakin naxariiso kama ahan wuxudareen kahayaa inuu xilkiisa kuwaaya waayo gardaradii geydka liskagasoganban ruxii amarkeda lahaa ilkii wukadegay shariifka hada wuxukuraadinaa sumcad taasana reer shawelaha hoise mid ay ilowayaan ma ahan runtii

  2. Shafii sanadkaa ayaan bood boodkaaga rabnaa sxb shabelaha hoose waad kudheshay had a kalsoni qof kuuhayo majirto kuwii dawa dhilifka kuu ahaana waad iska halesay waxaa kow ka ah 1 moryaanka ugu xun we macalin bare kan 2 waa maxamed Xasan fiqi waa nin dadkii kafaana lakin dadkaaga iyagaba makaga baahna balse adiga waxaad isdhaheysaa dadkaaga hadaqilaaf kasameysi ay dadka kale aykuu aminaa oo laguugu dhaho ninkaan masuqmaasuq mawado makaad lacagta kadharagtana cidaadda raali galin aad ukeyno lakin anaga sidaas marhore ayaan iska badelnay Liibaan wadani liibaan liituu magaaladda marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here