Xoghayaha Guud Ee QM Antonio Guterres Oo Safar Qarsoodi Ah Ku Yimid Muqdisho

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Waxaa Antonio Guterres ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha xubno ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya iyadoo la rajeynaayo in goordhow kulamo uu la qaato madaxweynaha cusub ee dowladda Federalka Maxamed C/laahi Farmaajo.

Antonio Guterres oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in safarkiisa uu la xiriiro u kuurgalidda iyo wax-ka-qabashada Abaaraha ba’an ee ka jiro gobolka Geeska Afrika.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here