Bambo Gacmeed Dad Ay Ku Dhinteen Ayaa Caawa Lagu Tuuray Meel U Dhow Suuqa Yaanyada Deegaanka Shalambood

Qarax culus oo khasaaro kala duwan geystay ayaa caawa ka dhacay deegaanka Shalambood ee gobolka shabeelaha hoose.

Qaraxa oo ahaa Bambo gacmeed ayaa lagu tuuray goob u dhow Suuqa Yaanyada Shalambood halkaasoo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad laga soo aruuriyey Galgaduud oo ka amar qaato horjooge Xasan Jaamici.

Ugu yaraan labo qof oo la sheegay inay ahaayeen dabley hubeysan ayaa geeriyooday halka labo kalena uu soo gaaray dhaawacyo halis ah.

Gudoomiyaha deegaanka Shalambood C/risaaq Xasan Guulwade oo khadka Telefoonka aan kula xiriirnay ayaa sheegay inaan la garaneyn cidda soo tuurtay Bambo gacmeedda, wuxuuna sheegay in qaraxa uusan waxyeeleynin shacabka deegaanka marka laga reebo labo maleeshiyo reer Galgaduud ah oo Shalambood u yimid dhulboob.

Shacabkii degganaa Shalambood ayaa goorhore iskaga barakacay kadib dagaallo barakicin ah oo 5 sano jirsaday, waxaana magaalada dhexdeedda deggan ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaad Habargidir ah oo uu hogaamiyo dagaal-ooge Xasan Jaamici.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here