Madaxweyne Farmaajo Oo Amar Ku Bixiyey In Ciidamada Ilaaliyo Hoteelada Muqdisho Aysan Ku Labisan Karin Dharka …

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa ka biloowdey talaabooyin lagu saxayo hanaanka ciidamada Milateria Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Genera Buud ayaa shaley lagu amray in ciidamada waardiyaha ka qabto hoteelada Muqdisho aysan xiranin tuutaha ciidanka si loo kala sooco ciidamada sida gaarka ah loo leeyahay iyo ciidamada Milateriga.

Sidoo kale, waxaa socodo baaritaano iyo dabogal lagu sameynayo waxyaabaha ka qaldan nidaamka ciidamada dowladda u diiwaan geshan sida saadka, darajooyinka, xerooyinka ciidamada, hubka iyo keydintiisa, musharaadka, gudashada waajibaadkooda iyo waliba ciidamo la sheegey in ay diiwaanka isaga qoran yihiin balse aanan wax shaqo ah qabanin.

xaafad walbo oo Magaalada Muqdisho ka tirsan waxaa xiligan dhex yaacayo ciidamo tuuto wato oo aan la garaneynin howsha ay ka hayaan shacabka dhexdiisa.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here