Baarlamaanka Israel Ee Loo Yaqaano Kenneset Ayaa Ansaxiyey Sharci Lagu Mamnuucaayo Aadaanka Salaadaha Ee Masaajidda Ku Yaalo Dhulka Ay Yahuudda Qabsatay

Baarlamaanka Israel ee loo yaqaano Kenneset ayaa wajiga 1aad ansixiyey labo mooshin oo ay soo diyaariyeen xisbiyada Yahuudda

ah ee doonaya in dhulka reer Falastiin ee ay qabsadeen ciidamada Israel laga mamnuuco Addaanka Masaajidada.

Labo sharci oo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ayaa mid ka mid ah wuxuu qorayaa in gebi ahaanba Addaanka Salaadaha laga mamnuuco dhulka Israel heysato, halka sharciga labaad uu sheegayo in la mamnuuco Addaanka Salaada Subax oo kaliya, waxaana labadan sharci kala keenay labo xisbi oo ka tirsan Yahuudda xagjirka ah.

Arintan ayaa waxay buuq ka dhex dhalisay Baarlamaanka Israel kadib markii Xildhibaanada asalkooda Carabta yahay ay sharcigaan ku tilmaaneen mid cunsurinimo ku dheehan tahay isla markaasina lagula dagaalamayo diinta Islaamka, buuqan wuxuu sababay in xarunta Baarlamaanka banaanka looga saaro qaar kamid ah xildhibaanada sharciyadan kasoo horjeeday.

Sidoo kale, Waxaa labadan sharci ee Islaam naceybka xambaarsan kasoo horjeestay xisbiyada kale ee Mucaaridka Israel kuwaasoo ku tilmaamay mid keeni karta cadaawad iyo xiisado cusub.

Cod loo qaaday labadan sharci ayaa waxaa ansaxiyey aqlabiyadda Baarlamaanka Yahuudda ee Kenneset balse waxaana sharciydan weli u harsan akhris sadex goor ah kadibna markale  baarlamaanka la geeyo si loo dhaqan geliyo.

Xubnaha Yahuudda ah ee labadan Sharci u ololeenaysaa ayaa ku doodaya inay doonayaan inay nastaan oo ay seexdaan isla markaana Addaanka uu dhegahooda dhibayo xiliyada hore ee subaxii, halka kuwo kale ay sheegeen inay gebi ahaanba tahay in la mama nuuco Addaanka Masaajidada.

Haddii Sharciyadan la dhaqan geliyo waxaa lagu ganaaxayaa Masjidkii laga Adimo lacag gaareyso $2,000(labo kun dollar).

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here