Dowladda Itoobiya Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabatay Dalka Soomaaliya

Danjire cusub ayaa loo soo magacaabay safaaradda dowladda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasiadda Soomaaliya.

Jemaludin Mustafa Omar oo horey u ahaa Danjire ku xigeenka safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa hadda noqday safiirka rasmiga ah ee dowladda Itoobiya u fadhin doona magaalada Muqdisho.

Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, A/aziz Ahmed Adam oo ahaa danjirihii hore ee dalka Itobiya u fadhiyey Soomaaliya ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey danjire Jemaludin.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale safaarad ku leh magaalada Hargeysa oo uu safiir ka yahay danjire lagu magacaabo Bereha Tesfay, waxayna qabataa howlo diblomaasiyeed iyo bixinta dal-ku-galka Ethiopia(Ethiopian Visa Regulations).

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here