Maamulka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Oo Booqasho Ku Yimid Degmada Kismaayo

Waxaa maanta magaalada Kismaayo markii ugu horeysey booqasho ku tagay guddoomiyeyaasha xerooyinka

qaxootiga Dhadhaab si ay u qiimeeyaan goobaha lagu celinayo dadka.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa qaabiley Guddiga Qaxootiga iyo Barokacayaasha Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Maalmaha soo socda waxa ay guddoomiyeyaasha kormeeri doonaan goobo kala duwan oo Kismaayo ku yaala si ay u qiimeeyaan xaalada, kadibna dadkii ay ka yimaadeen ay warbixin ugu celiyaan.

Waxa kale oo ay la kulmi doonaan dadkii horey xerooyinka oga soo laabtay ee haatan Kismaayo ku nool.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here