Madaxweyne Farmaajo ha loo sheego inuu Beesha Hawiye ka ilaaliyo Wasaarada Arrimada Gudaha, sabab?

Kulligeen waxaan jecelnahay inay dadka Somaliyeed walaalo noqdaan nacaybkana iska daayaan. Laakiin see loola noolaanayaa dad

maalinkasta khiyaano ku shaqaysanaya. Waxaan aad ula yaabay waxay markasta Wasaarada arrimaha gudaha Hawiye ugu afduubantahay. Waxaan fiiriyay dowladihii ku meel gaarka ahaa oo dhan saa kulli Wasaarada arrimaha gudaha waxaa haystay Hawiye. Xitaa dowlada hadii isku shaandhayn lugu sameeyo, soo yaab ma aha? Qabiilada kalee Somaliyeed marba waa loo kala badalaa ha rabeen ama yay rabin laakiin Hawiye wasaaradan lagamaba badalo. Bal aan fiirino mudada iyo dowladaha. Mudadu waa 2004-2017, tirade dowladuhuna waa 8 dowladood, bal waxaa iswaydiisaa meesha maxaa ku jira!

Waxaan soo marnay wasaaradaha kale oo qabiilada laga badalayo tusaale ahaan Wasaarada Arrimaha Dibadda oo mar loo dhiibay Gadabursi, mar Daarood marna Isaaq. Waxaan soo marnay Wasaarada Arrimaha Gaashaandhiga oo mar loo dhiibay Raxanweyn marna Daarood IWM. Si ku jirta marka waxay tahay 1991 markay dowladii Somalia dhacday hubkii dowladu lahayd ee Xamar yaalay wuxuu gacanta u galay beesha Hawiye kadibna dhul farabadan ayay ku dheceen oo aakhirkii isugu soo uruuray gobolka Shabeele Hoose iyo Xamar. Marka dhulkaa ay dheceen ee xaqdarada ah si ay sharciyayn ugu helaan waxay mar walba tactic ahaan u qaataan wasaarada arrimaha gudaha oo ah wasaarada qaabilsan magacaabida maamulka gobolkasta. Waa meesha maamul laga soo magacaabo ama laga diido. Gobolka shabeele Hoose gobol Hawiye ma aha hadana waxaad ku arkaysaa in magaalo kasta ama intooda badan ku xigeenku yahay Habargidir, ciidanka meesha lugu soo uruuriyay waa Habargidir, lacag uruurintu waa Habargidir iyo wax intaa kasii badanba. Markii ayaga la waydiiyo waxay halkan kasoo dooneen nin walba intuu waraaqo la soo boxo ayuu dhahayaa waxaa isoo magacawday wasaarada arrimaha gudaha. Dadka Somaliyeedow ma cadaalad baa in wasaarada arrimaha gudaha la siiyo Hawiye si ay ugu sharciyaystaan dhul ay dheceen ama hada ay dhacayaan?  Ma cadaaladbaa in wasaarada arrimaha gudaha dadkii dhulka lahaa u cabiidiso kuwo aan dhulka lahayn?

Waxaa kaloo meesha ku jira waa isla wasaaradaas ta diida in la sharciyeeyo maamul meel ka dhisan. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa Jubaland wixii xiniinyaha hayay isla ayaday ahayd.  Ma xaqbaa in wasaarada arrimaha gudaha Hawiye afduubtaan si dadka Somaliyeed loogu cabiidiyo? Waa inay dadka wada dulmani midoobaan isla maantaba si ay gardarada wadajir isaga qabtaan.

Sidaa darteen waxaan farayaa qofkastoo warqadan akhriya inuu madaxweyne Farmaajo gaarsiiyo inaan Hawiye la siin Wasaarada Arrimaha Gudaha. Oo laha gaaro intaan wasiirada cusub la magacaabin. Ama Facebook ku gaarsii ama si kaleba.

W/Q: Commandar Jamaal

Email: commander.jamal@gmail.com

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here