Nin Dhalinyaro Ah Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Wararka caawa laga helaayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in nin dhalinyaro ah lagu dilay halkaasi.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Waaberi, waxaana la sheegay in wiilka la dilay uu fadhiyay goob ay isugu yimaadaan dhalinyarada xaafadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Koox bistoolado ku hubeysnaa ayaa waxay ninkaasi ka toogateen qaybaha sare ee jirkiisa, dabiileyaasha ayaa waxaa u suurta gashay in ay ka baxsadaan goobta fal-dambiyeedka ay ka geysteen.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Federaalka ayaa goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray iyagoo halkaasi ka qaaday meydka marxuumka oo aanan magaciisa si rasmi ah aan loo helin.

 

Dilalka qorsheysa ayaa ku soo batay Magaalada Muqdisho kadib markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee dowladda Federalka Maxamed C/laahi Farmaajo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here