Xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda Federalka Soomaaliya Oo La Jabsaday

Iyadoo madaxweyne cusub uu talada dalka la wareegay ayaa waxaa magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ka dhacaayey wax-is-daba-maris

iyo in la qariyo ama la xado waraaqaha tixraaca ah ee yaalloo xafiisyada dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud

Warar maanta soo baxay waxay sheegayaan in la jabsaday xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, arintan waxaa xaqiijiyey hanti-dhowrka laftigiisa.

Waxaa Xafiiska hanti-dhowrka yaala dokumeentiyo badan oo la xiriira xogta dhaqaalaha iyo hantida dowladda Soomaaliya, waxaana la xaqiijiyey in la xaday qaar ka mid ah dokumentiyo yaalay xafiiska kuwaasoo si gaar ah ay u daneynaayeen kooxda xafiiska jabsatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xogta la xaday qaar ay ku saabsantahay falal musuqmaasuq oo dhacay xiligii dawladdii hadda waqtigeeda dhamaaday, taasi oo dawladda cusub ay baaris ku heysey.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ololaha doorashada ku soo galay la dagaalanka musuqmaasuqa ragaadiyey dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Culusow.

Waxaa jiro rag loo soo xiray xafiiska hanti-dhowrka ee la jabsaday.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here