Madaxa BBC World Service Oo Magaalada Hargeysa U Yimid Inuu Xaliyo Cabasho Somaliland Ka Gudbisay Laanta Soomaaliga Ee BBC-da (Video)

Madaxda Somaliland ayaa goor sii horeysay cabasho ka dhan ah Laanta Soomaaliga ee BBC-da u gudbiyey maamulka sare ee British Broadcast Corporatin (BBC).

Somaliland ayaa sheegtay in shacabkeeda oo si weyn u dhageyso Idaacadda BBC-da ay ay sanadihii ugu dambeeyey Laaanta Soomaaliga ee BBC-da kala kulmayeen  dhexdhexaadnimo la’aan iyo in doodaha ay qabato ay ku marti-qaado hal dhinac.

Madaxa BBC World Service qaybta Afrika Solomon Mugera ayaa magaalada Hargeysa shaley booqday si uu madaxda Somaliland ugala hadlo cabashada ay ka qabto Wararka iyo Barnaamijyada doodaha ee laga sii daayo Laanta Soomaaliga ee BBC-da.

Hoos ka daawo shir Jaraa’id ay si wadajir u qabteen Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Saxardiid Cadaani iyo madaxa BBC World News Solomon Mugera.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here