Nabadoon Labo Todobaad Ku Xirnaa Magaalada Boosaaso Oo Xuriyadiisa Dib u Helay

Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim(Xarago) ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib in ka badan 2 todobaad uu ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Bosaso.

Nabadoonka ayaa la xiray kadib markii uu ka hadlay xakun lagu riday 7 dhalinyaro oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen maleeshiyada Shabaab.

Sii deynta nabadoonka ayaa la sheegayaa in ay timid kadib markii ay wada kulmeen madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo waxgaradka beesha naboon C/qaadir xarago.

Maamulka Puntland ayaa faray nabadoonka in uu ka shaqeeyo nabadda iyo hormarka Puntland isla markaana ka fogaado wax walba oo lid ku ah amniga deeganada Puntland.

Nabadoon C/qaadir Xarago ayaa ah nabadoon badanaa ka hadla arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Xigasho: Horseed Media

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here