Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Laga Helay Ninkii Maanta Kaligiisa Ku Qarxay Magaalada Kismaayo

Maanta waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland ku qarxay nin jirkiisa ku soo rakibay waxyaabaha qarxa kaasi oo la sheegey in uu damacsanaa in uu isku qarxiyo goobo ganacsi ama xarumaha maamulka Jubbaland.

Ninkan oo kaligiis ku qarxay goob u dhow masaajidka Xaaji Jaamac ee xaafadda Faanoole ayaa waxay saraakiisha ammaanka si horudhac ah u shaaciyeen warbixin kooban oo la xiriirto.

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Jubbaland, Ninkani ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo lagu naaneesi jiray Baashaal. Wuxuu ninkaan Dukaan Daawada lagu iibiyo uu ku lahaa suuqa Balcad ee magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland ayaa ku dabo jiro dadkii uu xiriirka la lahaa ama qof walbo oo laga yaabo inuu wax ka ogaa falka uu geystey ninkan kaligiisa ku qarxay maanta.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here