Faahfaahin Laga Helaayo Weerar Iyo Afduub Caawa Kooxo Hubeysan Ay Ka Geysteen Degmada Afgooye

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayo in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin ay caawa qafaasheen wiil uu dhalay gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye kaasi oo lagu magacaabo Ibraahim C/laahi Iideey.

Sidoo kale, kooxda weerarka soo qaaday ayaa dhaawac u geystay Saciido Baxaar iyo Cabdi Sheekh Shaacir oo dhaawaciisa halis yahay. Weerarkan waxaa fuliyeen maleeshiyo afka soo shuubatay xaafadda Baalgure.

Labada qof ee dhaawaca ah ayaa loo soo qaaday Xarumaha Caafimaadka magaalada Muqdisho iyadoo isbitaalka degmada Afgooye uu wax ka qaban waayey xaaladooda caafimaad.

Xaalad kacsanaan a ayaa caawa ka jirto degmada Afgooye, waxaana loo badinayaa in afduubka ka dhacay Afgooye uu la xiriiro colaadda beelaha ee ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyada weerarka ku soo qaaday degmada Afgooye ayaa nolosha ku watay Ibraahim C/laahi Iideey iyagoo la aaday deegaanada Shabaabka maamulaan ee hoosyimaado degmada Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Maamulka degmada Afgooye oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino dhacdadaan caawa ka dhacday Afgooye ayaa sheegay inay wadaan baaritaano isla markaasina warbaahinta u sharaxi doonaan cidda ay tahay kooxda weerarka soo qaaday.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here