Gaari Waxyaabaha Qarxa Laga Soo Buuxiyey Oo Maanta Lagu Weeraray Xerada Ciidamada Jeneral Dhegabadan Ee Duleedka Muqdisho (Sawiro)

Waxaa saakey Subaxnimadii hore Qarax loo adeegsaday Gaari uu kaxeynaayey naftii-hure waxa uu ka dhacay agagaarka Xerada tababarada Ciidamada General Dhegabadan ee ku taalo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxan loo adeegsaday oo ahaa nooca Somaalida ay u yaqaanaan Homey-da, ayaa wuxuu hadafka ahaa in lagu qarxiyo gudaha xerada ciidamada General Dhegabadan.

Askari ka tirsan ilaalada xerada ayaa rasaas ku bilaabay gaarigan uu kaxeynaayey Naftii-huraha kadibna wuxuu isku qarxiyey xerada banaankeeda.

3 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxan.

Isha Sawirada: Radio Danan

Qarax5

Qarax1 Qarax2 Qarax3 Qarax4 Qarax6

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here