Nin Xaaskiisa Oo 7 Caruur U Haysay Ku Gowracay Deegaanka Guriceel Ee Gobolka Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in deegaankaasi ay ka dhacday dhacdo

naxdin iyo argagax ku abuurtay dadka shacabka kadib markii nin uu gowracay xaaskiisa.

Ninkan oo la sheegay in maskaxda looga jiray maalmahaan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad, waxaa la xaqiijiyey inuu birta mariyey xaaskiisa oo 7 carruur u haysay.

Haweeneyda la gowracay ayaa lagu magacaabayey Canab File, ciidamada Ahlu Sunna oo gacanta ku haayo deegaanka Guriceel ayaa xabsiga dhigay gacan-ku-dhiiglaha.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here