Qarax Dad Badan Ay Ku Dhinteen Ayaa Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 5 ruux ayaa la sheegay inay dhinteen kadib qarax ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu leeyahay Wasiirkii hore ee Kaluumeyiga dowladdii dhacday ee Xasan Sheekh Maxamuud hogaaminaayey.

Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxa ayaa isugu jiray dad jidka marayey iyo kuwoo ku shaah cabaayey maqaayad goobta uu qaraxa ka dhacay ka agdhoweyd..

Waa qaraxii 2aad ee Muqdisho ka dhacay saacado gudahooda, saakey ayaa waxaa qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay meel u dhow xero ciidan iyadoo gaariga uu qarxay kaddib markii ciidamo ilaalo ka ahaa xerada ay rasaas ku fureen gaariga oo uu waday nin naftii hure ahaa.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here