Dhageyso Markabkii Maanta Burcad Badeedda Soo Afduubteen Oo La Geeyey Dekedda Degmada Caluula Ee Puntland

Burcad badeed Soomaali ah ayaa maanta afduubtay Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah oo marayay Badweynta India,waxay burcaddan markabka keensadeen Degmada Caluula ee Puntland.

Warar soo baxaayo waxaa ay sheegayaan in Markabkan laga leeyahay dalka Jarmalka, halka warar kalana ay sheeyagaan in markabkaasi uu ku gooshayey Calanka Siiralanga.

Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka kunool Degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay in dhalinyaro Kalluumeysato ah Markab ay soo Afduubteen in ay keeneen Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

 

Afduubkan cusub ee burcad badeedda sameeyeen ayaa ku soo adaysa iyadoo Ciidamada la-dagaalanka Burcad badeeda ee ku sugan biyaha Dalka Soomaaliya ay sanadkii hore ku dhawaaqeen inay joojiyeen howlgalada, ka dib markii ay sheegay in hoos u dhac uu ku yimid khatartii ka imaan jirtay kooxaha Burcad badeeda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here