Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federalka Oo Kulankoodii Ugu Horeeyey Yeeshey Maanta (Sawiro)

Maanta waxaa kulankoodii ugu horeeyey magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaannada aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ay yeesheen xildhibaanada Aqalka Sare ayaa looga hadlay xeer hoosaadka aqalka sare,ansixinta warbixinta guddiga shaqaaleysiinta iyo warbixinta guddiga amniga.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi ayaa shir-gudoominayey kulanka iyadoo ay  soo xaadirtay ilaa 35 mudane.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo  si qoto dheer uga dooday qodobka 1aad ee ahaa ansixinta warbixinta guddiga shaqaaleysiinta  ayaa ugu dambeyntii waxay isku raaceen in la shaqaaleysiiyo 61 xubnood oo horey guddiga arrintan ku howlanaa ay soo jeediyeen, waxayna shaqaalahan ka shaqeyn doonaan 5 waaxood oo horey guddigan usoo bandhigay.

Xubnaha 61-ka qof ee la shaqaaleysiinaayo waxaa ku jiro 7 garyaqaan oo xubnaha aqalka sare kala shaqeyn doona arrimaha sharciyadda la xiriira.

Qoddobka 2aad ee ahaa warbixinta guddiga amniga ayaa xildhibaannada Aqalka sare waxay warbixin ka dhageysteen guddiga amniga iyadoo markii la dhagaysanayay warbixintaasi dibadda loo saaray dhammaan saxaafadda.

Gabagabadii kulanka, waxaa xildhibaanada aqalka sare loo qeybiyay xeer hoosaadka Aqalka Sare oo ay Guddiga qaabilsanaa diyaarinta xeer hoosaadka ay soo diyaariyeen, waxayna soo akhrisan doonaan ilaa maalinta Sabtida ah ee soo socoto.

Xeer hoosaadka Aqalka Sare ee maanta loo qaybiyey xildhibaanada ayaa laga doodi doonaa maalinta Sabtida soo socoto si loo ansaxiyo.

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here