Madaxweyne Farmaajo Ayaa Xoghayaha Arimaha Dibadda Dalka Ingiriiska Ku Qaabilay Xafiiska (Sawiro)

Xoghayaha Arimaha dibadda dowladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa maanta booqasho kedis ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa soo dhaweyn kadib booqday Villa Somalia halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo Fariin kooban  soo dhigay bartiisa twitterka ayaa sheegay in Boris Johnson ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal.

Boris Johnson ayaa markii sadexaad booqanaayo magaalada Muqdisho kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Dowladda Ingiriiska ayaa masaalix siyaasadeed oo badan ka leh Somalia, waxaana daba yaaqada sanadkan magaalada London ka dhici doona shir weyn oo looga hadli doono arimaha Somalia.

farmaajo-iyo-boris farmaajo-iyo-boris1

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here