Hay’adda WHO Ayaa Muqdisho, Kismaayo Iyo B/Weyne Ka Bilowday Talaalka Cudurka Daacuun Caloolaha(Cholera)

Hay’adda Caafimaadka Aduunka(W.H.O) oo kaashaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa talaal ka bilaabay dhowr gobol oo khatar ugu jiro inuu ka dilaaco cudurka Shuban Biyoodka (Cholera).

Goboladda Banaadir, Hiiraan iyo Jubadda Hoose ayaa si rasmi ah looga bilaabay talaalka Daacuun Caloolaha iyado la filaayo in talaalka la gaarsiiyo dad ka badan  Afar boqol iyo konton kun qof(450,000 qof) oo ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Beledweyne.

Ololahan oo socon doonaa ilaa 22 bishan Maarso 2017, waxaana hadafkiisa yahay in la talaalo dhammaan dadka da’dooda ka weyn tahay hal sano kuwaasoo la aminsan yahay inay ugu jiraan cudurka Shuban Biyoodka.

“ Ololahan talaalka Daacuunka ee afka laga qaadanayo waa kii ugu ballaaranaa ee Afrkia laga sameeyo, wuxuuna ka qayb qaadan doonaa sidii loo khafiifin lahaa khatarta daacuunka ee degaamada aan howsha ka bilownay” ayuu yiri  Dr Ghula Popal oo ah wakiilka Hay’adda Caafimaadka Aduunka(WHO).

In ka badan 260 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey u dhinteen cudurka Daacuunka, iyadoo  11 kun qof oo ku nool toddobo gobol oo Somaliya uu ku  dhacay cudurka, waxaana ka caawinaya dowladda Soomaaliya ololaha Tallaalka Hay’adaha WHO iyo Unicef.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here