Kooxda Alshabaab Ayaa Odeyaal Biimaal Oo Reer Miyi Ah Ku Qasabtay Inay Dagaal Ku Iclaamiyaan Dowladda(Sawiro + Codad)

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey maleeshiyada kooxda Alshabaab ee ku sugan qaybo ka mid gobolka Sh/hoose ay beesha Biimaal ka

qunsanayeen xoolaha nool ee Geela u badnaa ayaa waxay ugu dambeyn maleeshiyada Alshabaab la soo baxeen hadafka ay ka lahaayeen cadaadiska beeshan ay ku hayeen.

Warbaahinta taageerto Alshabaab ayaa baahisay in maamulka Alshabaab ee gobolka Sh/hoose iyo Odeyaal ka tirsan beesha Biimaal ay isla garteen in si wadajir ah loola dagaalamo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kooxda Alshabaab oo waqtigoda gabaabsi uu sii yahay ayaa waxay ku dadaaleysaa inay beesha Biimaal ee gobolka Sh/hoose lugaha u geliso dagaal lagaga soo horjeedo dowladda Federalka.

Hoos ka dhageyso codadka odeyaasha Alshabaab ku qasbeen iyo masawiradooda.

Biimaal Biimaal1 Biimaal2 Biimaal3 Biimaal4

SHARE

1 COMMENT

  1. Waa hubaal odeyaashaan in af afkooda aheyn ku hadlayaan, lkn ma oga in ay dilaayaan sumcada reerkooda. U fiirso odey walba hadlayo wuxuu soo qaadanaya BIIMAAL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here