Sababta Amni-darrada Magaalada Muqdisho U Korortay Kadib Markii Uu Isbedel Ku Dhacay Shaxda Hogaaminta Dalka Soomaaliya (Warbixin)

Tan iyo markii hogaanka dalka uu qabtay Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacaayey falal u badan dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsanaayo goobaha dadka shacabka ah ay ku badan yihiin.

Markaad u kuura gasho waxyaabaha ka socdo Muqdisho sida qaraxyada iyo dilalka qosheysan ee sii kordhay, ciidamo reer Hebel ah ayaa Mushaar la’aan darteed wadooyinka Muqdisho u xirtay, arimahaan oo dhan waxaa la isku raacay inay yihiin siyaasad looga soo horjeedo isbedelka ku dhacay shaxda siyaasadeed ee hogaaminta dalka Soomaaliya.

Xalay waxaa degmada Huriwaa ee Muqdisho ka dhacay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dagaalyahano ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada dawladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

iska-horimaadka tooska ah ee xiligan Muqdisho ka dhacaayo ayaa waxa uu keenayaa su’aasha ah in Alshabaab ay kusoo laabteen magaalada caasimadda ah oo laga saaray sanadkii 2010-kii, gaar ahaan in cudud dagaal qaadi karta oo sidaas dhan u abaabulan ay ku suganyihiin meel ka mid ah caasimadda, hadana intooda badan baxsan karaan ayaa waxa ay keeneysaa su’aalo badan oo kale.

Waxaa la aminsan yahay in Saraakiil ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka oo daacad u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya inay Alshabaab u fududeynayaan ama iyaga naftigooda ay amni darrada maleegayaan si loo carqadeeyo dowladda cusub ee uu hogaaminaayo Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sidoo kale, waxaa jiro shaki ay qabaan shakhsiyaad ka tirsan beesha Hawiye kaasoo oo ah in madaxweyne Farmaajo haddii aan la rabshadeynin oo aan mashaqo loo abuurin uu dardar gelin doono dib-u-soo-celinta guryaha iyo hantidii shacabka Muqdisho ee xoogga lagu qabsaday kadib markii ay dhacday dowladdii Kacaanka 1991.

Dowladda cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jirta bil kaliya ayaa waxa ay wajahaysaa caqabado waaweyn oo amni ah, waxaana magaalada aad ugu soo kordhey weerarada smiidaaminta, dilalka qorsheysan, qaraxyada la dhigayo iyo waliba hadda oo weerarada tooska ah ay kusoo kordheen.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here