Dhageyso Puntland Oo Xoog Ku Soo Furatay Markab Burcad Badeed Ay Ku Haysteen Xeebaha Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay si nabadgelyo ah ku soo furtaan markab 3 maalin burcad badeed ay ku haysteen xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari.

Shaley ayey is rasaaseyn kooban dhex martey ciidanka Puntland iyo kooxdii burcad badeedda ahayd iyadoo Ciidamada Puntland ay muddo laba maalmood ah ku hareereysnaa goobta uu Markaxka ku xirnaa.

Markabka burcadda laga soo furtay oo laga leeyahay dalka Imraadka Carabta ayaa u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed.

Agaasimaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Xassan ayaa wareysi siiyey kadib markii ay soo furteen markabka.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here