Duqeyn Lagu Dilay 31 Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Ka Dhacday Marinka Baabul Mandab Ee U Dhexeyo Dalalka Jabuuti Iyo Yemen

Iyadoo dalka Yemen uu ka aloogan yahay dagaal culus ayaa waxaa ka soo cararay qaxooti badan oo Soomaali ah kuwaasoo qaarkood ku soo laabtay dalkooda halka qaar kalena ay aadeen dalalka kale ee mandhiqadda ku yaallo. 

Haddaba, doon siday qaxooti Soomaali ah oo magan-galyo ahaan ugu socday dalka Sudan ayaa waxaa duqeeysey diyaarad Helicopter ah nooca Apache loo yaqaano, duqeyntan waxaa la xaqiijiyey in ku geeriyoodeen dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaareyso 31 qof.

Dadka duqeyntan lagu laayey ayaa maraayey xiliga la duqeynayey marinka Baabul Mandab (Bab Al-Mandab) dhinaca xigto dalka Yemen oo ay gacanta ku hayaan falaagada Xuuthiyiinta ee dagaalka adag kula jirto xukuumadda dalka Yemen.

Ibrahim Ali Zeyad oo ah Kabtankii doonta la duqeeyey kaxeynayey ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta ay ka badbaadeen 80 qof oo qaxooti ah.

 

Waxaa loo maleynayaa in duqeyntaasi ay geysatay dowladda Sacuudiga oo waatagaab danbe gacan milateri siinayey dowladda dalka Yemen oo qaati ka taagan dagaalka ay kula jirto falaagada Xuuthiyiinta ee taageerada ka helo dalka Iiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here