Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Culusow Ayaa Maanta U Guuray Guri Uu Ka Dhistay Dalka Turkiga Intii Uu Xilka Haayey (Sawiro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusow ayaa maanta u guuray guri uu ka dhistay magaalada Antalya ee dalka Turkiga intii uu xilka haayey.

Xasan Culusow oo markale isu soo sharaxay inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya ayaa waxaa looga adkaaday doorashadii dalka ka qabsoontay bishii la soo dhaafay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Culusow oo ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka ayaa raacay diyaarada Turkish Airlines.

Labo wiil oo uu dhalay madaxweyne Xasan Culusow isla markaasina ku nool magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa midba wuxuu ku socdaa gaari qaali ah oo ¬†ah nooca ay soo saartay shirkadda “Jeep”.

Madaxweyne Xasan Culusow ayaa si weyn uga macaashay jagada uu Soomaaliya u hayey 4-tii sano ee la soo dhaafay iyadoo la xasuusto in xaaskiisa ay Shidaal ku iibin jirtay magaalada Muqdisho ka hor inta uu madaxweyne noqon.

xasan culusow xasan culusow1 xasan culusow2 xasan culusow3 xasan culusow4 xasan culusow5 xasan culusow6 xasan culusow7 xasan culusow8

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here