Suuriya: Dowladda Mareykanka Oo Qiratay Inay Duqeysay Masjidkii Xaley Lagu Xasuuqay 60 Qof Oo Salaad Dukanaayey (Video+Sawiro)

Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyey duqeyn loo geystay Masjidka Cumar Binu Khadaab ee ku yaalo magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Ra’iisulwasaare kuxigeenka dalka Turkiga Nucman Kurtulmus oo ka fal-celinaayey duqeyntaas ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyntii loo gaystay masjidka Cumar Bin khadaab.

In ka badan 60qof ayaa ku dhimatay duqeyntan. Raysulwasaare kuxigeenku wuxuu beegsiga la beegsanayo Masaajida ku tilmaamay xasuuq ka dhan xuquuqda Aadanaha.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay baarayaan dalka iska leh diyaaradda duqeysay, waxaana la xaqiijiyey in dowladaha Mareykanka iyo Ruushka midkood uu fuliyey duqeynta masjirka.

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay inay duqeysay goob 15 meter(50 feet) u jirto masjidka dadka lagu xasuuqay taasoo la micno ah in Mareykanka uu duqeeyey masjidka.

Duqeyn Masjid Duqeyn Masjid1 Duqeyn Masjid2 Duqeyn Masjid3 Duqeyn Masjid4 Duqeyn Masjid5 Duqeyn Masjid6 Duqeyn Masjid7 Duqeyn Masjid8

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here