Khasaaraha Dadkii Ku Dhintay Duqeyntii Loo Geystay Qaxooti Soomaali Ah Oo Kordhay Iyadoo Isbaheysiga Sacuudiga Hogaaminaayo Uu Beeniyey Inay Fuliyeen(Sawiro)

Iyadoo ay sii korortay tirada dadkii ku dhintay duqeyntii loo geystay doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed xeebaha dalka Yemen

 ayaa waxaa iska fogeeyey dowladda Sacuudiga inay diyaaradahooda fuliyeen duqeyntaas.

General Ahmed Asiri, afhayeenka isbaheysiga ciidamada uu Sacuudiga hogaaminaayo ee dagaalka adag kula jiro kooxda falaagada ah ee Xuuthiyiinta ayaa sheegay in diyaaradaha Isbaheysiga aysan gantaal ku ridin goobta uu shilka ka dhacay.

Waxaa la xaqiijiyey in khasaaraha dhimashada uu kor u dhaafayo 40 qof kuwaasoo dhammaantooda ahaa qaxooti Soomaali ah oo doonayey inay magangalyo ahaan iskaga dhiibaan dekedda Port Sudan ee gobolka Badda Cas ee dalka Sudan.

Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha socdaalka ayaa sheegaty in dad gaarayo 80 ruux laga soo badbaadiyay doonta la duqeeyey.

 

xasuuq Soomaali xasuuq Soomaali1 xasuuq Soomaali2 xasuuq Soomaali3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here