Wiil U Dhashay Dalka Faransiiska Oo 1 Milyan Dollar U Aruuriyey Abaarta Soomaaliya Iyo Turkish Airlines Oo Balan-qaaday Inay Diyaaradeeda Ku Daabuleyso Raashinka Lacagtaas Lagu Iibiyo(Video)

Wiil u dhashay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Jeron Jack ayaa abaarta Soomaaliya u aruuriyey lacag gaareyso 1 Milyan dollar sida uu ku sheegay Video lagu baahiyey baraha bulshada.

Wiilkan ayaa maamulka Shirkadda diyaaradaa Turkish Airlines ka codsaday inay bixiso diyaarad xamuul oo Soomaaliya gaarsiiyey raashin lagu iibinaayo lacagta uu aruuriyey.

Dhanka kale, maamulka Turkish Airlines ayaa isla markiiba balanqaaday inay daabuleyso raashin gargaar ah oo qadarkiisa yahay 60 ton ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here