Nabadoon Afduub Ahaan Loogu Haystay Gobolka Sh/hoose Ayaa Maanta Lagu Toogtay Degmada Awdheegle

Maleeshiyada AlShabaab ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa Gobolada Mamaulka Koonfur Galbeed.

Nabadoon Cismaan Diinle oo waayahaan dambe afduuub ay u haysteen maleeshiyada Alshabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta lagu toogtay degmada Awdheegle ee bartamaha gobolka Sh/hoose.

Nabadoon Cismaan wuxuu ka tirsanaa 135-tii Odey Dhaqameed ee soo xulay xildhibaabada Baarlamaanka Federalka Somaaliya gaar ahan odeyaashii ka socday maamulka K/Galbeed.

Waxaa nabadoon Cismaan ay maleeshiyada Alshabaab qafaasheen xili uu howl u joogay deegaano ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here