Hay’adda FBI-da Mareykanka Oo Xaqiijisay Inay Baaritaan Ku Hayaan Xiriirka Donald Trump Iyo Ruushka Ka Dhexeeyo(Video)

Madaxda hay’adaha sirdoonka iyo danbi baarista Maraykanka NSA iyo FBI oo xalay hortagay Guddiyada Baarlamaanka ayaa si cad u beeniyey eedeyntii Donald Trump uu ku eedeeyey Madaxweynihii isaga ka horeeyey Barack Obama inuu talefonadiisa dhageystay xiligii doorashada.

Agaasimaha hay’adda danbi baarista James Comey ayaa sheegay inaysan jirin wax cadeyn ah oo arrintan loo hayo, isagoo markale sheegay in Madaxweynaha uusan awood ullahayn inuu fal noocaas ah la beegsado siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Madaxa hay’ada NSA Admiral Michael Rogers ayaa sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu qalab wax basaaso ku xiriirsaday telefonada Trump, arrintaasi oo uu ku sheegay war aan wax sal iyo raad ah lahayn oo ka horimaanaya heshiisyada ka dhaxeeya Maraykanka iyo dalalka ay sirta wadaagaan.

Labada mas’uul ayaa su’aalo badan laga weydiiyey xog badan oo ay Xildhibaanada qaarkooda ka heleen xiriirka la sheegayo inuu u dhaxeeyo Trump iyo Ruushka, wuxuuna Comey sheegay in hada weli baaritaan ku socdo arrintaasi oo uusan ka hadli karin.

Dhanka kale, FBI-da Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaacisay inay baaritaan ku wadaan xubnaha ka mid ah shaqaalaha Trump iyo xiriirkii ay la lahaayeen sirdoonka iyo dowlada Ruushka oo la tuhunsan yahay inay faro-gelin xoog leh ku sameysay doorashadii ugu danbeysay ee ka dhacday dalkaasi.

Mr. James Comey ayaa sheegay in Ruushka uu cadaawad weyn u hayey Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada Hillary Clinton isla markaana ay si weyn uga shaqeenayeen in fadeexeeyaan Mrs.Hillary si aysan ugu guuleysan doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale, James Comey wuxuu hadalkiisa sii raaciyey inay rumeysan yihiin in Ruushka uu ka danbeeyey weerarkii internetka ee lagu jabsaday xogta xisbiga Dimuquraadiga, xogtaasi oo markii danbe lagu shaaciyey Shabakada Wikileaks.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here