Sida Loo Qeybiyey Xilalka Wasaaradaha Dowladda Federalka Oo La Saluugay Iyo Xildhibaano Sheegay Inaan La Ansixin Doonin Xukuumadda

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka ayaa bilaabay olole ka dhan ah xukuumadda cusub ee shaley lagu dhawaaqay, waxayna doonayaan in baarlamaanka uu laalo wasiirada cusub.

Waxay cabasho xooggan ka jirtaa qaabka beelaha xilalka Wasaaradaha muhiimka ah loogu qaybiyey iyadoo ay muuqato in xilal muhiim ah lagu taxay beelo .

Xildhibaanada qaarkood ee abaabulka ka dhan ah xukuumadda cusub bilaabay ayaa sheegaya inaysan u cuntameynin xukuumadda shaley lagu dhawaaqay.

Xildhibaano gaarayo ilaa 70 xildhibaan ayaa la sheegey in ay abaabulka bilaabeen, kuwaasi oo sheegey in ay diidmo kala hortagi doonaan golaha wasiirada cusub.

Waxaa golaha wasiirada ku jira dad horey wasiiro usoo noqdey oo waliba muddo dheer dawladda ka mid ahaa, xildhibaano dhalinyaro ah, iyo dad aad ugu dhawaa dawladdii hore.

Arinta xiisaha badan leh ee laga akhrisan karo golaha Wasiirada cusub ayaa ah in wasiirada badnkooda yihiin saaxiibada madaxweyne Farmaajo iyo dhalinyaradii ololaha doorashadiisa hogaamineysay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here