Weerar Lagu Qaaday Dad Shacab Ah Oo Ku Sugnaa Agagaarka Baarlamaanka Dalka Ingiriiska (Sawiro)

Waxaa maanta weerar lagu qaaday agagaarka Xarunta Baarlamanka dalka Britain ee magaalada London  iyadoo xanibaad buuxda la geliyey howlaha Baarlamaanka dalkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo la sheegay inay haweeney ahayd ayaa weerarkaan ku geeriyootay iyadoo 10 kalena dhaawac soo gaaray kadib markii nin gaari kaxeynaayey uu gaariga jiirsiiyey dhowr qof oo ku sugnaa bartamaha magaalada London gaar ahaan buundada Westminister oo ku taalo xarunta Baarlamaanka horteeda.

Booliiska ayaa toogtay ninkii weerarka soo qaaday.

Hoggaamiyaha Aqalka Wakiilada Britain David Lidington ayaa sheegay in qof weerar soo qaaday ay toogteen booliiska, islamarkaana ay jiraan warar sheegaya in rabshado kale ay ka dhaceen dhismaha baarlamanka.

Westminister6

Westminister5

Westminister Westminister1 Westminister2 Westminister3 Westminister4

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here