Madaafiic Maanta Loo Ridey Madaxweyne Farmaajo Markii Uu Gudaha U Galay Madaxtooyada Dalka Kenya Ee Nairobi

Waxaa maanta madaafiic tiradeeda gaareyso 21 xabo laga maqlay xarunta madaxtooyada dalka Kenya oo maanta ay kulamo ku qaateen madaxweyneyaasha Kenya iyo Soomaaliya.

Madaafiicda ayaa la sheegay in lagu soo dhaweynaayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto ayaa madaxweyne Farmaajo ku qaabiley famaajo xarunta madaxtooyada magaalada Nairobi, halkaas oo labada madaxweyne si qoto dheer kaga wada sheekeeyeen xiriirka labada iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal.

Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeyo arrimo badan oo aad muhiim u ah, waxaana ugu horeeyo tirada badan ee dadka Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, iskaashiga dhanka ganacsiga, arimaha ammaanka iyo xuduudda dheer ee labada dal ay wadaagaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here